Saturday, March 3, 2018

Ujeedo: Warsaxaafadeed Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed



 

                      Tariikh: 03 maarso, 2018  

Ujeedo: Warsaxaafadeed Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed

Bismilaahi, Raxmaani, Raxiim

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP Mudane Maaxi oo aad u cabaareeyey hadalkii ka soo yeeray Faysal Cali  Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland ka dhisan ee ku aadaneed hadalkii gafka ahaa ee sida tooska meel kadhac ahaa ee u geestay  Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka xukamda Federalka Soomaaliya Marwo Maryam Aweys Jama asagoo adeegsanaya erayo xanaf leh ee lid ku ah hab dhaqanka suuban ee Diin islaamka iyo Dareenka ilbaxnimda ku qotama intaba. Asagoo u dhaqmaya sidii cadaanka tirada yaraa ee Gumeeysiga Suoth Afrika ee midab takoorka ku dhisnaa. Asagoo inkiraya jiritaanka Beelaha waaweyn ee ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ee soo jireenka ahaa ee magac iyo maamuus ku leh bulshada Soomaaliyeed guud ahaanteeda kuna caan baxday Bulsho Nabadeed, wax soosaara, dawladnimo jaceeyl iyo is xaqdhowr leh aan la inkiri karin.

Hadaba Faysal Cali Waraabe oo lagu yaqaan Siyaasi qar iska tuur ah oo jir jiroola ah una baahan dhaqan celin oo aan lahyn mabda`saldhig adag leh oo aan carabkiisa iyo dhagahiisa iska warqabin. Ayadoo aan ognahay inuu qof kasto uu hadlo garaadkiisa.

Hadana waxaan waxgardka iyo walaalaha Soomaaliland ee sharafta leh  ka codsaneeynaa inay ka fiirsadaan taageerida Faysal Cali Waraabe iyo Xisbiga UCID ee cunsurinimada ku dhisan iyo gabood falka joogtada ah ee uu caadeeystay.

Anagoo u aragno inuusan lahyn biseyl Siyaasadeed iyo mid aqooneed ee lagu kasban karo hogaamin ummadeed xiligan oo caalamka ka gudbay heyb sooc iyo cunsuriyada isla weynida ku dhisan iyo riyo been ah. Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqeeynaa ineey ka joojiso taageerida dhaqaale aay siineeyso Faysal Cali Waraabe asaga iyo xisbigiisa.

Waxaa sidoo kale ugu baaqeeynaa in dawlaada Finland ay talaabo ku haboon ka qaado madama uu haysto dhalashada Dalka Finland. Isagoo ku xadgudbay qawaaniinta caalamiga ee ka reeban cunsuriyada iyo wixii soo raaca.

Ugu danbeeyn wuxuu Gudoomiyha iyo Gudiga fulinta ee Xisibiga SSUP si deg deg ah ugu baaqayaan inuu Faysal Cali Waraabe raali gelin buuxda ka bixiyo gefkii uu u geeystay Shaqsiyada Wasiirka Dekedaha iyo Gadiidka Marwo Maryam Aweys Jama iyo weliba Mushtamaca Soomaaliyeed uu gefka u geeystay, kana waantooobo hadalada Hadoofka ah ee had iyo jeer butulqnimada ku saleeysan. Uuna kala fahmo farqiqa u dhaxeeya xiriirka Siyaasada iyo midka bulshada saameeya. Waxaan maqli jiray Maah-maah oraneeysa ”Ruuxii magaciisa ku deeqa ayaa Muuqiisana ku deeqa”  (Waraabe)
Wabilaahi Tawfiiq Allaa wax og!

FG: Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliyeed ayaa 3 dii November  gudoonsiiyey 7 xisbi siyasadeed shahaadada aqoonsiga kuwaas oo buuxiyey sharuudaha ka midnoqshada xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ka diiwan gashan.  Hadaba Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP) wuxuu ka mid yahay 7daas Xisbi siyasadeed ee sida rasmiga ah ee wadanka Soomaliya uga diiwaan gashan ilaa iyo hada.
Gudoomiyaha:
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed (SSUP)
Yaasiin Maaxi Macalin

Monday, February 26, 2018

HAYAANKII HAMIGEYGA IYO RIYADII HOOYO OO RUMOWDAY QAYBTII 1AAD






BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM.
Bisin Eebe waa boqor 
Waana barakadii Nabi 
Wixii lagu bilaabo Ma ba`aan, 
Ma baaqdaan Mana bedan xumaadaan 
Hadaan booli lagu darin 
Beentiyo qiyaanada 
Iyo balan qilaafka 
Astaamaha bayaankee 
Munaafaq ku caan baxay 
Yey dantaada beylihin 
Bulshadaad kaa duwin Bismilaahi 
waa nabad waa nabad barwaaqaa 
Ilaaheey halaga baqo 
Baro waajibaadka 
Xaqa iyo baadil kala saar 
Jidka samaha beegsoo 
wixii lagu bad-baadiyo 
badi talada Khayrka 
berigeey run gaarto 
bilanoow kitaabka 
yaan bidix lagaa siin 
Bismilaahi waa nabad 
waa nabad barwaaqaa 
Ilaaheey halaga baqo.
....................................................
Tixdaan  waxaa tiriyey Mohamud Ali Alasow, Jaani Dheere.


Buuggani wuxuu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee uu ku dhiirrado Shakhsi Soomaali ah inuu wax ka qoro nolashiisa, haddaad arki jirtay ruux laga qoro buugaag ama laga sheekeeyo nolashiisa, maanta waxa aan go`aansaday mid taasi kasoo horjeedda oo ah in aysan naftayda cidna iga xigsan inaan Shaqsiyadayda iska hadlo oo aan aniga is tilmaamo qofka aan ahay.
            Waxaan Aabaheey Maaxi Macalin Maxamuud ka maqli jiray:
Haddii lagu sheego waa lays sheelaa,
haddaan lagu sheegina waa laysa sheegaa.  
Laga yaabee in ay dadkeenna ku cusubtahay aragtidaan laakiin waa run iyo xaqiiqo ay dunida kale ina dheer tahay in shaqsi uu isaga naftiisa buug ka qoraaya.

Yaasiin Maaxi Macalin Yuu yahay??????? Su aal u baahan inaan soo koobo
Waxaan ahay Nin shukriga Illaahiyo shahaadada qiraan ahay
Nimaan shuqulka sheydaan shabaheeynin baan ahay 
Nin aan sharafta somaaliyeed sheyna siisan baan ahay.

HORU-DHAC

Dunidan aynu ku nool nahay, qof waliba maalin buu ka tagi, ama ay tiisa noqotaa oo uu dhintaa aduunkana ka faaruqaa, sidaa darteed, waxa habboon, oo qurux badan, islamarkaana fiican, in uu qofku ummaddiisa iyo bulshada uu ka soo jeedo uga tagaa wax wal uu maankiisa ku hayo inta uu buug kusoo aruuriyo dabadeedna uu qoro si ay dhaxal reeb ugu noqoto jiilka isaga ka danbeeyo. Waari meeysida war hakaa haro. Soomaalida oo aan aniga asal ahaan ka soo jeedo, waxa ay u badan tahay in wax uun oo maankooda ku jira ay isugu tebiyaan oraah ahaan. (Waa bulsho af-maal ah), waloow aad muddooyinkaan danbe modayso in ay Soomaalida kasii gudbayso hadalkaasi ahaa in ay tahay bulsho af-maal ah, una xuub siibatay in ay wax qoraan, waxaa aan taasi ku tilmaami karaa libin iyo guul dadkeenna u soo hoyatay.

               Sidaa oo kale waxaase jiilkan cusub ee maanta joogaa ay la jaan qaadayaan faca dhigooda ah oo waxaa ka muuqda durbadiiba ifafaale aqooneed oo ay Bulshadooda uga tagi karaan iyo wax muuqda oo taariikhi ah. Buuggan oo aniga aan qoray, waxa uu u badan yahay waayihi nololeed ee aan soo maray oo si guud iyo sigaar ahba aan uga waramaayo. Waayahaasi waxa uu noqon karaa cashar ama dersi laga baran karo dhacdooyin badan oo maankeyga ku suntan. Taariikhaha uu buuggan xambaarsan yahay waxa ay isugu jiraan kuwa aan soo maray oo sheeko ahaan aan ku hayo garashada wakhtigooduna maanka aad ugu yar yahay iyo dhacdooyin badan oo kale oo aan goob joog u soo ahaa. Haddii si kale aan u dhigo buuggani waxa uu gebi ahaan xambaarsan yahay dhacdooyin taariikheysan oo nolosheydii oo dhan siyaabo kala duwan uga waramaaya.

Qaybo badan oo buuggan uu ka kooban yahay waxa ay ka soo unkamayaan dhalashadeydii iyo ilaa bilawgii dambe ee nolosheyda qaaradda Yurub, gaar ahaan dalka Sweden. Safarkaasi dheer, iyo waayihii aan xambaarsanaa, waxa ay ka muuqdaan buuggan, aniga oo isku dayi doono in aan u soo gudbiyo dhacdooyin sidii silsiladda oo kale u xiriirsan oo leh afkaarta i tusi oo i taabsii waxqabadkeeygii, Hayaankii Hamigayga iyo Riyadii Hooyadey oo rumoowday, ayaad si quruxbadan uga dheehan doontaan buuggan hadduu Eeba waynaha qadaro. Bulshada Soomaaliyeed, waxaa dhaqan u ahaa in ay ku dadaalaan sideey ku soo bixi lahaayeen dhalinyaro ku tilmaaman qiimeynta ugu sareysa ee Jid fashe – kali iyo koox - oo lafdhabar u noqda horumarka bulshada. Dhaqankaas wanaagsan, guulihii laga kasbay waxaa ka mid ah curashaddii naadigii dhalinyarada ee gobanimodoonka ahaa (SYL) iyo halgankoodii qiimaha badnaa ee lagu gaaray madaxbanaanida. Dhaqanka bulshada casriga ah waa dhaliilo badan yahay, waxaa ka soo baxay dhalinyaro lagu qiimeyn karo Jid gooye, waana tan keentay in dhalinyarada maanta ay noqdaan xaabada lagu shido dagaalada sokeeye iyo in bulshadu ka soo kabsan weyso dib u dhaca ku yimid. Meel aadan mudneyn ka muuqashadeeda, waxaa kaa raaca magac aadan mudneyn, horaa loo yiri “Haddii ay ku moosaan karti ayaa la isku muujiyaa” Waayadaan danbe, waxaa soo shaac baxay dhalinyaro dooneysa in ay si madaxbanaan u muujiyaan doorka ay ku leeyihiin dib u dhiska dalkooda ee raba in ay gacantooda ku dhistaan aayatiinka mustaqbalkooda. Ujeeddadaas qiimaha weyn dhiiri gelinteeda ayey qayb ka tahay in aan dhalinta iyo jiilka mustaqbalka u horseedo mustaqbal hurmuud u noqdo aayatiinkooda wixii maankeeyga ku suntana aan buug ku qoro.


Bogga Hore ee Buuga





Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.so
www.somaliweyn.com
www.yassinmahimallin.com
http://yassin-mahi.blogspot.se
.................................................................................................................................................
FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hayaankii Hamigeyga iyo Riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo baxay, Yaasiin Maaxi Macalin waa  Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP. Gudoomiyaha waxaa lagala xiriiri karaa: maaxi@hotmail.com

Saturday, October 8, 2016

Doorshada shaki ka baxday waqtigeedii loo asteeyey ayey ku dhaceeysaa 30 nov 2016.

 Doorshada shaki ka baxday waqtigeedii loo
        asteeyey ayey ku dhaceeysaa 30 nov 2016.       


              Hannaanka doorashada iyo Gudiga Federalka ee Hergelinta Doorashooyinka Dadban.oo loo yaqaano marka la soo gaabiyo (GFHDD) iyo goortii la magacaabay ilaa hada maxay qabteen.
Taariikhdu markeey ahayd 28 juun 2016 ayaa xafiiska madaxweynaha waxaa ka soo baxday warqad xeer Madaxweyne NR kiisu yahay 45 lagu soo magacaabay Gudiga Heer Federal ee hergelinta doorashooyinka dadban ee 2016. Markii la arkay in baahi looqabo gudigaas in la dhiso.

                     Gudigaas waxaa uu ka koobnaa 22 qofood oo isugu jira Rag iyo Dumar Aqoon yahana ah sidii doonto halagu soo xulo hana lagu magaacaabo madoonaayo inaa dood geliyo taas balse anigu in aan iftiimyo Maalintaas lasoo magaacab ilaa maalinka maanta waxa aay qabteen Gudigaas.
Waxaa Halkaank u lifaaqan shax iyo barnaamijyo muujinaaya ineey markaan doorshada dhaceeyso waxaan ka soo xigtay www.doorasho.so iyo UNKA qaybtiisa facebooga.

                   GFHDD waxaa loo asteeyey Xilalka iyo Waajibaadkooda shaqo waxaan u asteyey amuurtaas Madasha Hogaamiya yaasha Qaran oo ka kooban Madaxweynaha dawlada Federalka iyo Madaxda Dawlad Goboleedyada waxaanA loo yaqaana marka la soo gaabiyo (MHQ).
Sidoo kale waxaa jira oo ayadana oo bar-bar socda 11 xubnood Gudiyada Dawlad Goboleedyada ee Hergelinta Doorshada dadban oo loo yaqaano marka lasoo gaabiyo (GDGHDD) oo  ayagana 8 ka mid ah aay soo magacawdeen dawlad Goboleedyada 3 ka mid ahna aay Dawlada dhexe Soo magacaabatay.
Sidoo kale waxay MHQ aay u asteeysay GDGHDD xilalka iyo waajibaadkooda shaqo.
GDGHDD Sababta loo sameeyey waxay tahay
Si looga hortago iska hor imaad danaha GDHDD iyo GDGHDD waxay noqonayaan hay`ado loo wadas dhan yahay oo aay howl-wadeeno ka yihiin farsamo yaqaano iyo la taliyayaal aan hayn xil siyaasadeed una tartameyn Doorshada 2016.
Halkaan waxan ku lifaaqan Sharuudaha laga doonaayo ka mid noqoshada gudiyada
1-      GDGHDD
2-      Egooyinka soo xulaya Xildhibanada ka mid noqonaya 2 Aqal
3-      Xildhibaanimada aqalka sare
4-      Xildhibanimada Aqalka hoose
5-      Iyo waajibadyada kale ee saaran waxaan asteeyey MHQ.

AQALKA SARE wuxuu matalayaa Dawlad Goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismi doona waxaa inoo tilmaamaya shaxdaan Hoose.

Sidoo kale waxa la cadeeyey Qabashada Lacagah.
Qabashada Lacagaha Is-diiwaan Galinta Musharraxiinta
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal waxaa uu ku faraxsan yahay in uu idiin soo bandhigo akoon bangi ah ee loola dan leeyahay qabashada lacagaha is-diiwaan galinta musharraxiinta u tartamayo kuraasta baarlamanka Soomaaliya ee soo socdo. Fadlan hoos ka eeg macluumaadka akoonka.
Musharraxiinta Aqalka Sare
Dadka doonaya in ay isu sharraxaan kuraasta Aqalka Sare waxaa is-diwaan galintu ugu casumi doonaa qaybta fulinta ee dowlad goboleedyada.
Lacagta is-diiwaan galinta dadka u sharraxan kuraasta Aqalka Sare waxaa isla meel dhigay Madasha Hoggaanka Qaranka. Waxaa la isla meel dhigay in musharraxiinta ragga ah ay bixiyaan 10,000 oo doolar, haweenkana bixiyaan 5,000 oo doolar.
Is-diiwaan galinta ma dhameystirno illaa iyo markii lacagta la wada bixiyo dukumeentiyadana la hubiyo.
Musharraxiinta Golaha Shacabka
Musharraxiinta Golaha Shacabka waxaa lagu casumi doonaa in ay is diiwaan galiyaan xilliga ay ku dhawaaqaan xafiisyada Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Dadban ee heer Gobol.
Musharraxiinta waa in ay buuxiyaan foomamka is-diiwan galinta, waana in ay gudbiyaan dhammaan dukumeentiyada loo baahan yahay iyo rasiidhka lacagta akoonkan lagu shubay. Is-diiwaan galinta ma dhameystirno illaa iyo markii lacagta la wada bixiyo dukumeentiyadana la hubiyo.
Kharashka is-diiwaan galinta ragga u sharraxan Golaha Shacabka waa 5,000 oo doolar, haweenkana waa 2,500 oo doolar.
Haddii ay jiraan wax su’aal ah ku soo dir su’aashaada cinwaanka ah:
info@doorashada2016.so
Magaca Akoonka:
GUDDIGA FEDERALKA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA DADBAN (GFHDD)
Nambarka Akoonka:
104104638
Lacagta:
Doolarka Mareykanka
Magaca Bangiga:
Dahabshil Bank International
Ciwaanka Xarunta Dhexee ee Bangiga:
Maka Al Mukarama, Degmada Hodan, ee Muqdisho
Furaha Bangigsa:
DBISDJJ2
Ergooyinka 51 ah yaa soo xulaya fiir shaxdaan Hoose.
Sidoo kale Jadwalka iyo waqtiga aay dhaceeyso Doorashooyinka 2016 waa la cadeeyey waxayna ku cadhay shaxdaan hoose:


Halkaan waxaa ku lifaaqan filim soconaaya 1.44 min isga ayaa inoo soo koobaaya

Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
.................................................................................................................................................
FG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hamigii Hayaankeeygii iyo riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo bixi doono , Yaasiin Maaxi waa aasaasaha iyo Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP una sharaxan tartanka Madaxtinimada Dawlada Federalka Soomaaliya 2016. Qoraaga waxaa lagala xiriiri karaa maaxi@hotmail.com


Saturday, October 1, 2016

Maqaamka Muqdisho 1960 - 2016‏


Maqaamka Magaalada Muqdisho (Qaybtii 1aad) (1960 – 1969) – (1969-1991) – (1991-2016)
Muqdisho waa caasimadda Dawlada Federalka Soomaaliya, waana magaalada ugu weyn dalka waxaa ku nool dad lagu qiyasay in ka badan sadax milyan, waxay xarun dhexe u tahay siyaasadda iyo ganacsiga dalka, waxaa ku sugan hey’adaha siyasadda sida Baaralamaanka, Fulinta, Maxkamadda Sare, Bankiga dhexe, xafiisyada hay’adaha madaxa banana iyo xafiisyada diblomaasiyinta dowladaha safaaradaha ku leh dalka iyo shacabka soomaaliyeed oo gobolada ka kala yimid. Caasimaddu waxa ay ka mid tahay arrimaha sida badan si guud loogu xeerinayo dastuurada federaalka ah, wixii sharci ah oo la sameynaayana waa in la waafajiyaa dastuurka federaalka taas oo ay kala mid noqonayso dowlad-gobaleedyada wadanka intiisa kale ka dhalanaysa.
Taariikh ahaan maqaamka magaalada Muqdisho marwalba wuxuu xiriir la lahaa hadba nidaamkii dowladeed ee dalka ka jiray waxaan halkaan ku soo bandhigi doonaa qabaabkii ama nidaamyadii aay soo martay laga soo bilaabo goortii aan xornimada qaadanay ilaa maalinka maanta aaynu joogno 2016 iyo sidoo kale fikrkayga ku aadan Gobolka Banadir.(Magalada Muqdisho) xaquuqda aay leedahay iyo Hiilada aay inooga baahan tahay maanta iyo muqstaqbalkaba.
Nidaamkii Rayadka (1st July 1960- 21 Oct 1969)
Xilligaan waxaa dalka lagu dhaqayay nidaam diimoqraadi dastuuri ahna barlamaani oo ku dhisanaa qaab tartan axsaab Xisbiyo badan oo doorasho ugu tartamaaya xukunka dalka.
Magaalada Muqdisho waxaa lagu dhaqaayay sharci maamul lambarkiisuna ahaa 21 oo soo baxay 1950. Magaalada waxay lahayd maamul dowlad hoose oo madax banaan oo ka kooban Gole-deegaan oo uu madax u yahay Duq-magaalo. Golaha deegaanka wuxuu ka koobnaa 25 xubnood oo laga soo dooranaayay dadka deegaanka (natives)kuwaas oo ka soo tartami jiray axsaabtii markaas dalka ka jirtay.
Golahan ayaa iska dhex dooran jiray Duqa magaalada, waxayna ka caawini jireen go aan qaadashada iyo fulinta howlaha maamulka. Dowladda Hoose ee Muqdisho waxay lahayd qaab-dhismeed maamula sida: Duqa Magaalada, Agaasimka;- Maaliyadda, Canshuuraha, Dhul-bixinta, Nadaafada iyo Fayo-dhowrka, Dad-dhigida iyo Warqadaha Dhalashada.
Magaalada waxay maamul ahaan u qaybsaneyd xaafado sida: Xamar weyne, Shingaani, Weliyow Cade/howlwadag, Xamar Jab-Jab, Campo Amxaro, Campo Lodgio, Shibis, Anzilotti, Bondhere, Wardhigley iyo Hodan. Xilligan Muqdisho waxay soo martay seddax xilli doorasho iyo hal xilli magacaabis ah.  Seddaxda jeer ee doorashada waxaa ku guleeystay Mudane Axmed Muude (2 jeer) iyo Cumar Sterlin (1 mar). Magacaabis waxaa ku kala yimid Sheikh Jamaal (maamulkii ku meelgaarka ee kontonkii ilaa lixdankii Sharif Caydaruus iyo keenidid., 1969 ayaa sidoo kale doorasho ku yimid Mohamed Sharif Caydaruus oo ku dhacay afgambi asagoo kurisga haayey 6 bilood.
Nidaamkii Millateriga iyo Hantiwadaagga (Oct 1969- 25 Jan 1991)
Xilligaan maamulka kacaanku Muqdisho wuxuu ka dhigay magaalo gobol ah, waxaana loo bixiyay Gobolka Benaadir. Magaalada xilligan waxaa kordhay tirada dadka ku nool sababtuna waxa ay aheed ayadoo adeegyadii dalka intooda muhimka ah la isugu keenay Caasimaddda, waxana laga hirgeliyay mashaariic aad u fara badan oo horumarin ah sida: dugsiyo waxbarasho, isbitaalo, waddooyin, warshado iwm, Maamulka wuxuu si toos ah u hoos imaanayay Madaxtooyada, waxuuna ahaay magacaabis, dhamaan xilalka sare ee Dowladda Hoose sida Duqa Magaalada iyo Agaasimayaasha oo kale, waxaa si toos ah looga soo magacaabaayay Madaxtooyada, wax tixgelin ahna lagama siin dadka deegaanka u badan. Maamul ahaan magaalada waxay u qaybsaneed 16 degmo oo kala ahaa:
Xamarweyne, Shingaani, Boondheere, Shibis, Wardhiigleey, Cabdulcasiis, Kaaraan, Yaaqshiid, Xamar Jab-Jab, Waaberi, Hodan, Howlwadaag, Dharkeenlay, Hiliwaa, Wadajir iyo Dayniile. Qaybaha maamul ee Gobolka Benaadir, waxay adeegga asaasiga ah siinayeen dadweynaha ku dhaqan degmo kasta, waxayna arrintan fududyneeysay gaarsiinta adeegyada deegaanda, isla markaasna, waxay kaloo fududeyneeysay soo uruurinta dakhliga iyo ka warhaynta daruufaha amniga ee degmooyinka.
Xilligan magaaladda Muqdisho maqaamkeeda sharci wuxuu ahaa kii lexdankii oo madax banaanidii iyo dorashadii la baabi iyay, laguna beddelay magacaabis.  Sharciyada maamul ee lagu dhaqaayana waxaa dejin jirtay dowladda dhexe. Maamulku wuxuu soo saari jiray xeer maamul (Administrative Regulation) oo la xiriira howlaha sharci ahaan maamulka Gobolka Benaadir loo xilsaaray sida soo ururinta cashuurha, bixinta dhul, dhisidda suuqyo cusub, bilicada magaalada, nidaaminta gaadiidka dadweynaha iwm.
Xilligii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya (25 Jan 1991-2011)
Xilligaan intiisa badan dalku wuxuu ku jiray fowdo ka dhalatay dagaalada sokeeye ee u dhaxeyay hoggaamiye kooxeedyada ku loolamaayay hanashada xukunka dalka.  Xilligaan Muqdisho waxaa ku dhacay burbur kii ugu weynaa oo taariikhdeeda soo mara. Waxaa la burburiyay dhamaan dhismayaashii guud ee hay’adaha dalka, xarumahii dowladda, dugsiyadii, cisbitaaladii, hoteladii, hay’adii korontada, biyaha iyo wadooyinkii oo dhan.  la barakiciyay qayba ka mid ah dadkii degaanka asal u ahaa iyo kuwa kaleba.  Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay dagaal xagga awoodda iyo gacan ku haynta oo dhexmaray qabaa’ilka USCda ee isugu soo haray magaalada.
Xukuumaddii TFGda ee lagu dhisay Kenya waxay ballan qaaday in ay soo saarto sharci  gaar ah oo lagu dhaqaayo caasimadda (qodobka 5.Faqrada 2 ee Axdiga ku meelgaarka ah sanadka 2004),- (waxaa si la mid ah loogu sheegay axdigii ku meelgaarka ahaa ee DKM ee lagu soo dhisay Jabuuti 2000 kii )-waxayna u saartay guddi arintaas ka soo shaqeeya.
Guddiga waxay ahayd hawshiisu isagoo raacaya Axdiga KMG ee TFGda in uu soo diyaariyo hindise sharci maamul ee caasimadda, kaddibna soo bandhigo si la tashiyo loola sameeyo dadka deegaanka iyo Soomaalida deggan caasimadda iyo xukuumadaba.
Nasiib darro arrintaas waa shaqeyn weysay sababo farsamo awgeed, qalaaqal siyaasadeed oo xiligaa taagnaa, iyo sidoo kale iyadoo nidaamka dowladeed ee lagu wado in Soomaaliya lagu dhaqo oo ah federaal, wixii saldhigga u noqon lahaa oo ah dastuur federal ah aan weli lagu heshiin.
9 Sept 2012 ila xiligaan – Dhalashada Xukuumada Federaalka Soomaaliya. Xiligaan waxaa maamulka iyo maaraynta Gobalkaan Banadir faraha ku haaya Dowladda Federaalka, taas oo fursad siineeysa inuu shacabka ee degaan gobol walbo kasoo jeedo dhisto gobolkiisa Gobolkaana yahay tirsigiisa 18 Gobol.
Waxaa Horay u dhisnaa dawlada Goboleedka Puntland. Waxaa ka gadaal la dhisay Jubaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed sideey doonaan ha ku dhismeene hada waxaa dhismihiisa la hadal hayaa Hiiraan/Jowhar.
Sanadkii 2016 bishii Febrayo ayaa waxa Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaa Baarlamaanka dawlada Federalka ee Soomaaliya ayaa Dastuurka dalka dib u eegis ku sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article 9, Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Maqaam u gaar ah waxaana laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:
1) Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed).
(3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqon-karto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaarsato.
(4) Maamulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wadashaqeynta sida uu qorayo Dastuurka.
(5) Si gaar-ah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari- doona xaalada Muqdisho. Maanta halkaas ayey mareeysaa la soco Qaybta 2aad
*Maadaama aan ka soo hadalnay taariikh siyaasadeedka,Gobolka Banadir iyo Maqaamka Muqdisho ayaan waxaan hadana eegaynaa madaama la qaatay qaab federal ah (Maaxaa loola jeedaa Maqaamka Magaalada Muqdisho aay yeelaneeyso) maxaaysa tahay aragtideeyda ku aadan Maqaamka Muqdisho.
Lasoco qaybta 2aad
Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.comwww.ssup.sowww.somaliweyn.comwww.yassinmahimallin.comhttp://yassin-mahi.blogspot.seFG: Yaasiin Maaxi Macalin Waa Qoraa madax bannaan Somali iyo Swedish ah, turjumay 4 buug islamarkaana qoray 5 buug. Buugiisii ugu danbeeyey ee Hamigii Hayaankeeygii iyo riyadii Hooyo oo rumoowday oo goordhow soo bixi doono , Yaasiin Maaxi waa aasaasaha iyo Gudoomiya Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed SSUP una sharaxan tartanka Madaxtinimada Dawlada Federalka Soomaaliya 2016. Qoraaga waxaa lagala xiriiri karaamaaxi@hotmail.com

Thursday, May 5, 2016

HAYAANKII HAMIGEEYGA IYO RIYADII HOOYO OO RUMOOWDAY




HAYAANKII HAMIGEEYGA IYO RIYADII HOOYO OO RUMOOWDAY WAA BUUG AAN QORAY ANIGA YAASIIN MAAXI MACALIN AH MAANTA OO AAY TAARIIKDU TAHAY 5 MAAJO 2016 AYUU SOO BAXAY. DAAH-FURNA WAAN U SAMEEYN DOONAA. HADII ALLE IDMO DHAMAADKA BISHAN MAAJO 2016.

Waxaan walaalaheeyga Soomaaliyeed halkaan ku war gelinayaa inuu buugii Sooyaalkii taariikheed ee aan soo maray ka sheekeeynaayey uu soo baxay Maanta oo Taariikhdu tahay 5 bisha maajo 2016.
Waxaa jiri doonto Daah-fur lagu soo bandhigi doono buuga haduu Alle idmo Bisha aaynu ku jirno dabayaaqadeeda dib ayaan idinkaga soo sheegi doonaa DAAH-FURKAAS halka uu ka dhacaayo iyo meesha uu ka dhici doono haduu Alle idmo.
............................................................................................................
Muxuu kahadlayaa buugan: Hayaankii Hamigeeyga iyo Riyadii Hooyo oo Rumawday
Waa Buug ka hadlayo Sooyaalkii nolashayda wuxuuna si buuxda u faahfaahinayaa dedaal aan u galay in aan wax ka qoro nolahsayda dhabta ah laga soo bilaabo caruurnimadayda illaa maanta aan taaganahay
Buuggani waxaa uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah, amaba uu ku dhiirrado Shaqsi Soomaali ah inuu wax ka qoro nolashiisa, haddaad arki jirtay ruux laga qoro buugaag ama laga sheekeeyo nolashiisa, maanta waxa aan go`aansaday mid taasi kasoo horjeedda oo ah in aysan naftayda cidna iga xigsan inaan Shaqsiyadayda iska hadlo oo aan aniga is tilmaamo qofka aan ahay.
Waxaan Aabaheey Maaxi Macalin Maxamud Allaha u naxariistee ka maqli jiray: Haddaan lagu sheegin waa laysa sheegaa haddii lagu sheegana waa lays shiilaa. Laga yaabee in ay dadkeenna ku cusubtahay tani laakiin waa run iyo xaqiiqo ay dunida kale na dheertahay in shaqsi uu isaga naftiisa buug ka qoraa.
Qoraaga: Yaasiin Maaxi Macalin

Allaa Wax og
maaxi@hotmail.com
www.ssup.so

Sunday, March 20, 2016

Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya

Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya 
islamarkaasna  Caasimadu waxey noqoneysaa Dowlad Goboleed. (Qaybtii 2aad)


Waxaa Ilaaheey Mahadiisa ah in hogaanka Baarlamaanka federalka Soomaaliyeed iyo dadka ka soo jeeda Gobolka Banadir isla garteen in gobolka banadir noqdo dawlad Goboleed ka madax banaan Dawlada federalka. Waxaa taas lagu cadeeyey oo lagu qeexay in markii Dastuurka dalka dib u eegis lagu sameeyay, gaar ahaan maqaamka caasimada Muqdisho sida lagu xusay Article 9, Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho waxay yeelaneysaa Maqaam u gaar ah waxaana laga soo saaray 6 qodob oo kala ah:
1) Mogadishu waa caasimada Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya;
(2) Caasimadu waxey noqoneysaa Regional State (Dowlad Goboleed).
(3) Caasimadu lama midoobi karto gobol kale, mana noqon-karto qeyb ka mid ah Dowlad Goboleedyada kale si ay dhulkeeda u ballaarsato.
(4) Maamulka caasimada Federaalka iyo Dowladda Federaalka waa inay ku dhaqmaan mabaadiida wadashaqeynta sida uu qorayo Dastuurka.
(5) Si gaar-ah Dowlada Federaalka iyo maamulka caasimada waa inay ka wada xaajoodaan arrimaha canshuuraha iyo shuruucda dhulka iyo daaraha ay leeyihiin ama ay deganyihiin Dowladda Federaalka ee ku yaala caasimada.
(6) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shuruuc u gaar ah ka soo saari- doona xaalada Muqdisho.
Ayada oo taas i farxad geleineeyso ayaa hadan waxaan rabaa in aan dadka soomaaliyeed uga war bixiyo waxa aay kala yihiin Gobolka Banadir iyo magalo madaxda muqdisho.


Gobolka Banadir Maaha caasimada Soomaaliya ee waa gobol ka mid ah gobolada dalka soomaaliya tirsigiisuna yahay 18 ka gobol ee wadanka Soomaaliya ka jira, Casimada soomaaliya waxaa lagu magacaabaa Muqdisho waxayna ku dhax taalaa Gobolka Banaadir, Dad ku dhow ilaa 3 milyan qof ayaa ku nool gobolka banaadir dadkaas oo kala ah dadka u dhashay ee ka soo jeedo gobol, dad dhaqaalo doon oo ganacsato ah, kuwo man-sab doon ah, kuwo nolol doon ah kuwo baro-kacayaal ah, kuwo waxbarasho doon ah iyo kuwo kale oo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.
Hadaba weli ma aaysan dhicin oo fursadna looma siin in dadka ka soo jeeda Gobolka banadir si taxadar leh ineey uga fekeraan ayahooda iyo masiirka mustaqbalkooda sida uu noqonaayo.
Markii la soo hadal qaado Gobolka Bandir dadka Soomaaliyeed waxaay soo hadal qaadaan Caasimada wadanka Soomaaliya laakiinse hadal kaasi sax maaha waayo?
Gobolka Banaadir waa Gobol la xaquuq ah gobolada kale ee Dalka Soomaaliya ka jira.
Dadka kale ee deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolada kale waxaa aay ku guuleeysteen in aay ka dhistaan maamul federaali ah ee gobolada aay ka soo jeedaan ayagoo raali isaga ah xitaa haduusan waafaqsaneeyn Dastuurka Dalka 

Dadka ka soo jeeda Gobolada kale uma haystaan in Gobolka banadir inuu yahay Gobol la mid ah Gobolada kale ee dalka waxay u haaystaan caasimada soomaaliya iyo meel u dhaxeeysa soomaaliya oo idil Gobolka Banadir waa gobol la xaquuq ah Gobolada kale la siman.
Sidoo kale dawladihii isbed-bedelaayey waxaa aay ku magaacabaan waraqad ka soo baxda xafiiska madaxweynaha waxaana gudoomiyaha gobolka ee yimaada wuxuu si toos ah u hoos tagaa madaxda dowlada dhexe wuxuuna islamarkiiba ku dhax milmaa hay adaha dawlada dhaxe umana dhaqmo sidii Gobol madax banaan oo la mid ah gobolada kale.
Balse taas wax aay dhaxalsiisay Gobolka Banadir in xaquuqdii uu lahaa la duudsiiyo.

Waxaan ognahay daqliga soo galo Gobolka banadir waxaa uu si toos ah ugu dhacaa Khasnada dowlada dhaxe taas oo aan jirin daqli soo galo Gobolka Banadir aduunkana dhaqaalo ayuu ku xiran yahay mar haduusan dhaqaalo meesha jirin waxaa dhumaayo amnigii nolashii aas-aasiga ahaa ee in si siman loo noolaado la helo waxbarasho lacag la aan ah, caafimaad lacag la aan ah, dhalinyarada loo abuuro shaqo iyo xirfado aay ku shaqeeystaan waxaas oo dhan waay ka qatan tahay Gobolka Banadir.

Allaa wax og!
Yaasiin Maaxi Macalin
maaxi@hotmail.com
www.ssup.se

Wixii talo ah walaal halkaan nooga reeb adoo mahadsan.

Wednesday, July 1, 2015

Gudoomiyaha Xisbiga SSUP oo shacbiga Soomaaliyeed ugu habalyey Sanad guuradii 55 ee 1 Luuliyo 1960.




Asalaama Calaykum Waraxmatullahi Wabarakatuhu!
Walaalayaal, waxaa sharaf ii ah maanta inaan idiin habalyeeyo munasabadda weyn ee qiimaha gaarka ah inoo leh ee 55 guurada maalintii la taagy calan Soomaliyeed ee xor ah iyo isku darkii labada gobol ee Soomaaliya ee xoroobay (Koofur Soomaaliya iyo Waqooyi Soomaaliya) oo xoriyadooda ka kala qaatay Mustacmarkii Ingiriiska iyo Mustarmarkii Talyaaniga.

             Walaalayaal Munaasabadan waa munasabad qaali ah oo mudan in qiimo gaar ah loo yeelo, dhallinyaradeena iyo ubadyadeena soo koraay lagu barbaariyo si gaar ahna loo baro 1da Luulyo waxa ay tahay iyo waxa ay xambaarsan tahay.
Walaalayaal in la helo Soomaali xor ah oo madax bannaan waxaa loo soo galay halgan dheer, waxaana loo soo huray Naf, Maal iyo waqti badan.
Sida taariikhda aan ku akhrisanay ,Gobanimada Soomaliya aay gaartay, waxaa halgan adag u soo maray dhallinyaro Soomaaliyeed, waxaana ka xusi karnaa 13kii dhallinyaro ee Aasaasay Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed S.Y.L  (  Somali Youth League ).
          Awoowayaasheen u soo halgamay xoriyadda Soomaaliya abaal ayey nagu leeyihiin, abaalkooda Kan ugu qiimaha badan waa inaan dhawrnaa, dhaqaaleysanaa, horumarinaa mirihii ay noo dhaliyeen iyo dhaxalkii ay nooga tageen oo ah calan xor iyo wadan sharaf iyo karaama leh.
Walaalayal dhaxalka aad heshaa waa la dhawrtaa waxna waa lagu saa'idsadaa ee dhaxalka la isagama dheelo.
Soomaalya waxa ay ka mid ahayd wadamada Afrika ee Xoriyadooda qaatay 1960kii, muddo gabanna waxa ay gaartay guulo faro badan , Qarankuna waxa uu noqday mid karaama leh ee laga qiimeeyo aduunka oo dhan, wuxuuna ahaa wadan leh ciidamo aduunka oo dhan laga qiimeeyo, garsiisnaa ciidanka ugu itaalka badan Afrikada Madoow haddii laga reebo wadanka Naijeeriya.

Hambalyo:
Waxa aan munaasabadaan Hambalyo iyo Bogaadimba  ugu soo jeeedinaya dhammaan Ummadda Soomaaliyeed mell kasto oo ay joogto mid yar iyo mid weynba  , mid caafimaad qaba iyo mid xanuunsan,mid Nabbad ku Nool iyo mid Nabbadgelyo la´aan ku Suggan, mid Gaajeesan iyo mid Dhergan.
 
waxana Eebbe uga baryayaa in:
·        Inta jirran uu Alle Caafimad siiyo.
·        Inta nabbadgelyo la`aanta ku nool in Alle nabbad siiyo-
·        Inta Gaajeesan in Alle gaajada ka sooro.
·        Dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna uu Nabadgelyo iyo Horumarba Gaarsiiyo.
Baaq :
Aniga oo ka faaideysanaaya munaasabadan waxaa halkan baaq Nabaded uga soo jeedinayaa dhammaan inta colaadda isaga soo horjeedda ee Soomaaliya min Raas kambooni ilaa Raas casayr, gaar ahaan waxa aan baaq nabadeed u soo jeedinayaa Hogaanka Sare ee Dawladda Soomaaliya in ay ku dadaasho siidii loo baajin lahaa dhiig Soomaaliyeed ee daata, isla markaana qalbiga ay ku hayso:
1) Sidii loo badbaadin lahaa Maatida dagaalada wax ku yeeloobeyso
2) Iyo sidii loo daryeeli lahaa inta guryahoodii ka barakacday ee ku sugan goobaha ay u qaxeen ee aan haysan cid u maciinta, hay`adihii u kaalmeyn lahaana nabgdelyo la´aan darteed ay u gaari la´yihiin goobaha gargaarka looga baahan yahay.

Sidoo kale Caalamka waxa aan u soo jeedianayaa in arimaha Soomaaliya si daacadnimo ah xalkeeda loo raadiyo wixii wax u dhimaaya shacabka Soomaliyeed wax u aan la shaqeynin.

Ugu danbeeyntii Soomaalidana waxa ay tirahdaa:
Ilko wada jir bey wax ku gooyaan.

Soomaaliya Ha Noolaato, Soomaaliya Ha Israacdo, Soomaaliya Ha Midoowdo, Soomaaliya Ha Guuleeysato, Cadawgeedana ha jabo, Noolaada walalyaal Mahadsanidiin.

Isha Wararka SSUP
www.ssup.se
info@ssup.se